Trump oo Falastiin ugu hanjabay joojinta deeqda Maraykanka

Published: January 3, 2018

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sii wada xiisada uu ka abuuray bariga dhexe ayaa ku goodiyey inuu joojin doono deeqda Maraykanka siin jiray maamulka Falastiin oo uu ku eedeeyey inay diideen wadahadalka.

Trump oo bishii hore iskiis u qaatay go`aan uu ku aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimada Israel ayaa sheegay in tilaabadaasi ay meesha ka saartay qodobkii ugu caqabada badnaa ee wadahadalka Falastiin iyo Israel, balse Falastiiniyiinta ay hada diideen inay wadahadalka dib u bilaabaan, wuxuuna isweydiiyey sababta Maraykanka usii wadayo deeqda uu siiyo Falastiin.

Falastiiniyiinta oo la yaabay hadalka Trump eedeynta kasoo yeertay xili uu isagu ahaa midkii qaatay go`aankii xagjirka ah ee ka careysiiyey dunnida Islaamka, kadib markii uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimada Israel, qodobkaasi oo fure u ahaa wadahadalka iyo dhismaha dowlad u gaar ah Falastiin.

“…Trump isagaa burburiyey dadaalkii nabada iyo cadaalada ay Falastiin dooneysay, hadana wuxuuba isku dayayaa inuu eeda go`aankiisii khaldanaa uu dusha ka saaro Falastiin…” ayey tiri Hanan Ashrawi oo kamid ah xisbi xaakimka Falastiin ee PLO, waxayna intaasi raacisey in Maraykanka dhaqaalaha uu bixiyo uusan Falastiin uga dhigi karin Lacag-Madax-Furasho ah.

Maraykanka ayaa lacag gaareysa 319 milyan siiya Falastiin, halka uu Israel sanad walba siiyo lacag ka badan 3 Bilyan oo u badan saanad militari.

Go`aankii Trump uu qaatay 6dii bishii December ee magaalada Qudus ayaa lagu tilmaamay mid gebi ahaan burburiyey wadahadalkii Maraykanka garwadeenka ka ahaa muddada dheer ee Falastiin iyo Israel, wuxuuna go`aankaasi sidoo kale keenay banaanbaxyo badan oo ka dhacay dunnida Islaamka.

Qoraalada uu bartiisa Twitterka soo dhigay Donald Trump Isniintii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale abuuray xiisad u dhaxeysa Maraykanka iyo Pakistan, kadib markii Trump uu sheegay inuu jari doono dhaqaalihii ay siin jireen Pakistaan oo uu ku eedeyey inay gabaad-siiso kooxaha ka dagaalama Afghanistan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *