Trump oo doonaya in uu kor u qaado canshuuraha alaabaha Mexico 20%, si ay u bixiso Derbiga – VIDEO

Published: January 27, 2017

Maalintii shalay ayaa afhayeen u hadley Aqalka Cad ee Maraykanku sheegay in dhamaan alaabaha laga keeno dalka Mexico lagu kordhin doono canshuurta 20 boqolkiiba, taas oo ah nooc Mexico ay u bixineyso dhaqaalaha ku baxa derbiga Maraykanku ka dhisaayo xadka ay la wadaagaan dalkaas.

Arrintan ayaa loo fahmey hanjabaad meeshii u danbeysey ee Maraykanku siinayo Mexico iyo calaamad muujineysa in xiriirka labada dal uu durba gaarey halkii ugu xumeyd.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu doonaayo in Mexico bixiso dhaqaalaha ku baxaya derbiga, iyada oo loo marayo alaabaha ay soo dhoofiyaan.

Saacado kadib ayaa Sean Spicer dib uga laabtey hadalkiisu waxaana uu sheegay kelmaddii dhawaan caanka qoqotey ee ah in tani tahay “Alternative”, kamid ah kuwa Madaxweynaha horyaala.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Mexico Luis Videgaray ayaa sheegay haddii Maraykanku kor u qaado canshuurta alaabaha dalkiisu u dhoofinaayo Maryanka ay qaali ka dhigeyso alaabaha dhamaantood ka bilow Afokaadhada ilaa shaashadaha Telefishanada casriga ah, waxaana uu ku darey in Mexico aysan bixineyn canshuurtaas la kordhiyey ee ay bixinayaan shirkadaha Maraykanku, taas oo qaali ku noqoneysa macaamiisha Ameerikaanka.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pe├▒a Nieto oo booqasho ku tegi lahaa Washington todobaadka danbe ayaa dib u dhigay kadib markii Trump saxiixey hindisaha dhismaha derbiga kuna celiyey kelmadiisi ahayd Mexico ayaa bixineysa.

Madaxweynaha Marayakanka ayaa maalintii shalay shir Jamhuuriyiintu leeyihiin uga qayb galay magaalada Philadelphia, waxaana uu sheegay in dadka Maraykanku aaney bixineyn lacagta ku baxaysa derbiga.

Dhismaha derbiga ayaa la sheegayaa in ay ku baxayso in ka badan 12bilyan oo dollar.

Donald Trump oo doonaya in uu Maraykanka ka dhigo dal weyn oo awood leh mar labaad sida uu ballan qaadey ayaa doonaya in uu ka baxo inta badan heshiisyadii ganacsiga xorta ah sida NAFTA, waxaana la is weydiinayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta in Maraykanku dib uga noqdo xaynaadkiisi kana baxo ganacsiga xorta ah iyo cawlamada isaga oo bilaabaya dagaal ganacsi.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *