Trump oo ku hanjabay canshuur haddii Midowga Yurub uusan ka iibsan saliid iyo gaas Mareykanka

4 hours ago

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay, in ay wadahadal la furayaan madaxweynaha la doortay.

Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuuro ka qaadi doono Midowga Yurub, haddii Midowga Yurub uusan ka iibsan saliid iyo gaas badan Mareykanka, digniintii ugu dambeysay ee dhaqaale ee ka soo baxday madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ka hor caleemasaarkiisa bisha soo socota.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa bulshada, Trump waxa uu sheegay in uu Midowga Yurub u sheegay “in ay waajib ku tahay in ay iska bixiyaan deynta Maraykanka iyagoo iibsanaya saliidda iyo gaaska”.

Trump, oo xafiiska la wareegaya 20-ka Janaayo, ayaa horey ugu hanjabay inuu canshuuro culus ku soo rogi doono qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga, taasoo keeni karta jahwareer dhaqaalaha adduunka oo dhan ah.

Waxa uu sheegay bishii hore in uu qorsheeyay in uu ku dhufto 25 boqolkiiba canshuuraha Kanada iyo Mexico haddii labada dal aysan wax badan ka qaban si ay u joojiyaan qaxootiga iyo ka ganacsiga daroogada ee xuduudaha ay la wadaagaan Maraykanka.

Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay canshuur dheeri ah oo boqolkiiba 10 ah oo la saarayo Shiinaha.

Horseed Media