Trump oo laga xiray bartiisii Twitter

Published: January 9, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee wakhtigiisa sii dhamaanayo ayaa laga xiray bartiisii twitter oo ay kala socdeen in ka badan 88 milyan oo qof.

Go’aanka Twitter ayaa lagu sheegay in shirkadaasi ka hortageyso in Trump bartiisa twitter u adeegsado xiisadaha ka jira gudaha wadankaasi Maraykanka iyo kicinta shacabka, kadib markii Arbacadii lasoo dhaafay ay taageerayaashiisa xoog ku galeen Aqalka Baarlamaanka.

Rabshadihii ay taageerayaasha Trump ka sameeyeen xarunta Baarlamaanka Capital Hill xiligii la ansixinayey natiijada Doorashada looga guuleystay Trump ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.

Laamaha amaanka Maraykanka ayaa wada olole ay kusoo qab-qabanayaan dadkii la aqoonsaday ee kamid ahaa kumanaankii qof ee xooga ku galay xarunta Baarlamaanka kuwaasi oo khasaaro u geystay xafiisyada xildhibaanada ee halkaasi ku yaal.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *