Trump oo lagu wado in uu amar ku bixiyo dhismaha derbiga Mexico

Published: January 25, 2017

Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa maanta (Arbaca) in uu saxiixo dhismaha derbiga uu ballan qaadey in laga dhisaayo xadka ay la wadaagaan dalka Meksiko ee bartamaha Ameerika.

Dhismaha derbiga ayaa ah ballan qaadyadii ugu weynaa ee uu sameeyey xiligii uu ku jirey ol-olaha doorashada 2016, inkasta oo uu sheegay in ay bixin doonaan qiimaha ku baxaya derbiga dalka Meksiko.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu amar siiyo Wasaaradda Amniga Gudaha in ay hirgeliso dhismaha derbiga.

Trump ayaa sidoo kale saxiixaya in la dumiyo, meelaha ay magaalooyinka kaga yaalaan goobaha dadka aan sharciga haysan ay degan yihiin, inkasta oo magaalooyin badan ay diidan yihiin in ay soo gudbiyaan dadkaas si loo tarxiilo.

Madaxweynaha dalka Meksiko ayaa lagu wadaa in uu booqdo dhawaan Maraykanka lama oga in uu la socdo qorshaha uu maanta saxiixayo Trump kaas oo Meksiko si weyn uga soo horjeedo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *