Trump oo Obama ku eedeeyey in uu dhegaysan jirey telefoonadiisa

Published: March 4, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyey Madaxweynihi uu xilka kala wareegay Barack Obama in uu dhegaysan jirey Telefoonadiisa, markii uu ku sugnaa qasrigiisa Trump Tower ee magaalada New York sanadkii 2016.

Trump oo sida caadada u ahayd arrintan ku shaaciyey barta uu Twitter-ka ku leeyahay subaxnimadii maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Obama dhegaysan jirey telefoonadiisa.

Donald Trump ayaa sheegaya in bishii Oktoobar 2016 ay arrintaani dhacdey markaas oo ay socotey ol-olaha doorashada waxaana uu hoosta ka xariiqey in markaas u bixiyey Madaxweyne Barack Obama.

Trump ayaa Obama ugu yeeray nin jiran ama xun, waxaana uu sheegay in uu dalabanayo sharci yaqaan arrintan wax ka qabta, wuxuu la bar-bardhigey fadeexadii Watergate ee Madaxweyne Nixon sanadkii 1974.

Madaxweyne Trump ma keenin caddeyn arrintan ku saabsan. Waxaana warkiisu yimid iyada oo maalmahan culeys iyo fadeexado ay saarnaayeen, taas oo la xiriirta sirta xafiiskiisa oo dibadda u so baxaysey. Kooxda taageerta Trump ee uu hoggaamiyo Steave Banon ee midigta fog ayaa ku eedeynayey sirta fakaneysa shaqaalihii Obama ka tegey, waxaana isla maanta ku soo baxay Websiteka Steve Banon uu madaxda ka ahaan jirey ee Breitbart maqaal qeexaya in Obama wado inqilaab aamusan. Dhanka kale waxaa dadka qaarkiis sheegayaan in Trump uu soo qaadanayo xog hore ahayd fadeexaddii uu ka shifey Edward Snowden sanadkii 2013 ee ahayd sida hay’adda National Security Agency ee Maraykanku ay u dhagaysato teleefoonada dadka caadiga ah, fadeexaddaas oo soo gaxdey 2013, waxaana kamid ahayd in Maraykanku dhegaysan jirey telefoonada qaar kamid ah madaxda caalamka.

Si kastaba Donald Trump ayaa looga fadhiyaa in uc addeyn la yimaado maalmaha soo socda.

Hoos ka akhri fariimaha Trump iyo eedahay u dusha u saaray Obama.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *