Trump oo shaaciyey inuu markale u tartamayo xilka Madaxweynaha Mareykanka 2024-ka

Published: November 16, 2022
Shares12

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu markale u tartamayo xilka Madaxweynaha Mareykanka Doorashada 2024-ka.

Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa inuu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jamhuuriga.

Donald Trump ayaa lagu xasuustaa isku dayadii uu ku foodeeyay Doorashadii isaga lagaga adkaaday ee uu kala wareegay Biden, iyadoo xitaa uu diiday in uu xilka wareejiyo balse sharciga lagaga adkaaday.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa tallaabooyin waa weyn oo uu qaaday intii uu Kursiga joogay kuwaas oo hadal heyn iyo saameyn ka abuuray caalamka, oo ay kamid ahayd joojinta Soo galootiga Mareykanka iyo arrimo kale.

Horseed Media