Trump oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Kim Jong-Un

Published: January 7, 2018

Madaweynaha Maraykanka Dowlad Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu khadka telefonka kula hadlo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un.

Balse Trump ayaa sheegay in uu shuruudu ku xiri doono wadahadalka uu la sameenayo Kim Jong-Un.

Hadalka Madaxweynaha Maraykanka ayaa kusoo beegmay xili lagu wado in Salaasada soo socota ee 9ka Janaayo ay markii ugu horeysay si fool ka fool ah u kulmaan wafuuda ka kala socota Labada Kuuriya.

Kulankan ka dhici doona xaduuda labada dal u dhaxeysa ee Panmunjom, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horeeyey oo dhexmara Kuuriyada Koonfureed iyo Waqooyi muddo labo sano ah.

Wadahadalka cusub ee labada wadan ee Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfureed ayaa yimid kadib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un uu khudbadii sanadka cusub ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo Koonfurta.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay inay dooneyso inay ciyaaryahanadeeda usoo dirto ciyaaraha Winter Olympics oo sanadkan ka dhacaya Kuuriyada Koonfureed.

Hogaamiyaha Maraykanka Trump oo isagu jecel inuu mar walba sheegto libta ayaa Sabtidii shalay warbaahinta u sheegay in wadahadalkan uusan imaan lahayn hadii uusan isagu hadalo kulul la beegsan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *