Trump oo sheegay inuu ka bixi doono Aqalka Cad

Published: November 27, 2020

Madaxweynaha Maraykanka ee wakhtigiisa sii dhamaanayo Donald Trump ayaa sheegay inuu baneen doono bisha Janaayo Aqalka Cad hadii ay dhamaan gobalada Federaalka Maraykanka ay ansixiyaan guusha Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Trump oo asbuucyadii lasoo dhaafay ka gaabsaday inuu saxaafada horyimaado ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Aqalka Cad ka jawaabay waxa u qorsheysan marka la gaaro 20ka Janaayo oo ah xiliga sida rasmiga ah loo dhaariyo Madaxweynaha la doortay.

”…Waan ka baxayaa Aqalka Cad….hadii la ansixiyo guusha Joe Biden, laakiin 20ka Janaayo wakhti badan baa ka dhiman oo waxyaabo badan isbedali karaan….” ayuu yiri Trump

Donald Trump oo looga guuleystay doorashada ayaa weli wada dadaal uu doonayo inuu ku laalo cododka uu helay Joe Biden ee gobalada qaarkood, walow ay kooxdiisa illaa iyo hada ku fashileen dhamaan dacwooyinkii ay horgeeyeen Maxkamadaha.

Wuxuu xiligan xooga saarayaa in gobalada ay maamulaan xisbigiisa Jamhuuriga uu ku khasbo inay ergada ay soo dirayaan ay codkooda siiyaan isaga xataa hadii cododka shacabka gobaladaasi uu ku guuleystay Joe Biden, arrintan oo sharciga ka horimaaneysa.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *