TRUMP oo xilka ka qaaday Wasiirkii Gaashaandhiga

Published: November 9, 2020

Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday ee Maraykanka Donald Trump ayaa goordhaweyd bartiisa twitter ku shaaciyey inuu xilka ka xayuubiyey Xoghayihii Gaashaandhiga Mark Esper.

Trump oo weli ka careysan guuldaradii Doorashada ayaa la sheegay inuu miciyaha u lisanayo inuu xilka ka qaado qaar kale oo kamid ah Xukuumadiisa.

Mark Esper ayaa indhawaale la hadal hayey inuu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Trump, kadib markii Wasiirka Gaashaandhiga uu bishii May diiday in ciidamada Militariga uu Trump u adeegsado caburinta shacabka waday banaanbaxyadii ka socday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Maaha markii ugu horeysay oo uu Trump bartiisa twitter casilaada usii mariyo mas’uuliyiinta uu xilka ka qaado, waxaana la isweydiinayaa cidda ku xigi doonta Wasiirka Gaashaandhiga.

Wuxuu Trump xilkan u magacaabay Christopher Miller oo hayey xilka Agaasimaha la dagaalanka argagaxisada oo si kumeel gaar ah usii heyn doona Gaashaandhiga.

Go’aanka Trump ayaa la sheegay inuu kadis ku noqday Ciidamada iyo Saraakiisha sare ee militariga Maraykanka.

Donald Trump ayaa sidoo kale dhawaan sheegay inuu doonayo in dhamaan ciidamada Maraykanka ee dibada ku maqan lagu soo celiyo dalka Maraykanka kahor intaan la gaarin dhamaadka bisha December.

Trump ayaa la filayey inuu qaato go’aano qar iska xoor ah labada bil ee xilka uga haray, arrintan oo caqabad ku noqon doonta hawlaha xil ku wareejinta maamulka cusub.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *