Tunisia: Madaxweyne Saied oo si lama filaan ah u casilay Raysalwasaarihii

Published: August 8, 2024

Madaxweynaha Tunisia Kais Saied ayaa arbacadii shalay si lama filaan ah xilka uga qaaday Raysalwasaarihii dalkaasi Ahmed Hachani.

Ma jirin wax sabab ah oo uu sheegay Madaxweynaha. Wuxuuna xilkaasi u magacaabay Kamel Madouri oo horey u soo ahaa Wasiirka arrimaha bulshada.

Raysalwasaaraha xilka laga qaaday Ahmed Hachani ayaa xafiiska joogay hal sano, isagoo xilka qabtay 1dii Agoosto ee sanadkii hore.

Waxaana kasii horeeyey Najla Bouden oo isagana sidan oo kale Madaxweynaha xilka uga xayuubiyey isagoo aan sheegin sababta.

Madaxweyne Kais Saied oo xilka loo doortay 2019 ayaa awooda xukuumada isku soo koobay tan iyo wixii ka danbeeyey 2021.

Wuxuu wax ka bedalay dastuurka sanadkii 2022, iyadoo Baarlamaanka awoodiisa hoos loo dhigay.

Madaxweynaha ayaa markale xilka u tartamaya doorashada lagu wado inay dhacdo 6da Oktoober.

Qaar kamid ah murashaxiinta mucaaridka ayaa loo diiday doorashada inay ka qeyb galaan, halka kuwo kalena xabsiga la dhigay.

Horseed Media