Turkey: Qaraxii ka dhacay magaalada Izmir – VIDEO

Published: January 6, 2017

Weerar loo adeegsaday bambaano lasoo saaray gaari ayaa Khamiistii shalay ka dhacay magaalada Izmir ee dalkaasi Turkiga.

Dowlada ayaa illaa iyo hada xaqiijisay inay weerarkan ku dhinteen labo qof.

Qarax ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta Maxkamada, waxaana la sheegay in gaariga bambaanada lasoo saaray ay istaajiyeen ciidamada Booliiska kadibna isku dayey inuu baxsado kahor intuusan gaarigaasi qarxin.

Booliiska ayaa sheegay inay ka hortageen in gaarigaasi lagu qarxiyo goobtii loogu talo galay, taasina hoos u dhigtay khasaarihii ay la damacsanaayeen kooxda soo abaabushay.

Xukuumada Turkiga ayaa weerarkan ku eedaysay kooxda Kurdida ah ee PKK oo horey weeraro bambaano uga geysatay magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xili Turkiga uu weli ku mashquulsan yahay baadi goobka loogu jiro ninkii geystay weerarkii habeenkii sanadka cusub ka dhacay baar ku yaal magaalada Istanbul oo lagu dilay 39 qof, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *