Turkiga iyo Giriiga oo wadahadal uga furmay Istanbul

Published: January 28, 2021

Dalalka Turkiga iyo Giriiga oo bilihii lasoo dhaafay ka dhex taagneyd xiisad weyn oo la xariirta xaduudaha badda iyo khayraadka badda ayaa markii ugu horeysay kulan fool ka fool ah yeeshay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in jawi wanaagsan uu ku bilowday shirka labada dhinac todobaadkan uga furmay magaalada Istanbul.

Labada dal oo jaarka ah kana wada tirsan isbaheysiga NATO ayaa qarka u saarnaa bilihii lasoo dhaafay in dagaal dhexmaro kadib markii Turkiga bilaabay inuu batrool iyo gaas ka baaro badda ay isku heystaan ee barriga badda Mediterranean.

Xiisadan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub oo gaaray heerkii ugu xumaan in muddo ah. Kulamadan ayaa kusoo beegmay xili Turkiga doonayo inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay wadamada Midowga Yurub.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *