Turkiga oo dhexdhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya wada-hadallo ku saabsan heshiiska badda ee Somaliland

Published: July 1, 2024
Shares6

Dalka Turkiga ayaa bilaabay inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xaliyo khilaafkii ka dhashay heshiiska Badda ee ay Addis Ababa la saxiixatay Somaliland horaantii sanadkan.

Wada-hadalladan ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu soo hagaajiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay dalalka jaarka ah ee bariga Afrika, kuwaas oo xidhiidhkoodu xumaaday bishii January, markii ay Itoobiya ogolaatay in 20 km (12 mayl) oo xeebta ah laga kireeyo Somaliland, si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna kaga aargoosatay in ay erido safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya tan iyo markii ugu horreysay oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011, isagoo tababaray ciidamada ammaanka, isla markaana ka caawiyay dhanka horumarintooda.

Horseed Media