Turkiga oo duqeyn la beegsaday Xoogaga Kurdida Siiriya

Published: June 1, 2024

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa Jimcihii duqaymo ka geystay dalka Suuriya waxa ay ku dileen 4 ka mid ah dagaalyahannada SDF ee uu Maraykanku taageero, waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo rayid ah.

Duqeymaha lagu qaaday goobaha ay ku sugan yihiin Xoogaga Dimuquraadiga ah ee Suuriya oo ay taageerayaan Mareykanka iyo Kurdiyiinta ayaa yimid maalin kadib markii Madaxweynaha Turkiga uu sheegay in dowladdiisa aysan ka laba labeyn doonin in ay tallaabo ka qaado kooxaha Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ee waqooyiga Suuriya haddii ay sii wadaan qorshayaasha lagu qabanayo doorashada deegaanka.

Waxay ku eedaysay kooxahan inay xiriir la leeyihiin mintidiinta Kurdiyiinta ee laga mamnuucay dalka Turkiga.

SDF waxa ay sheegtay in duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku garaaceen goobahooda sideed jeer iyo sidoo kale guryo iyo gaadiid rayid ah agagaarka waqooyiga magaalada Qamishli. Duqeymaha noocan oo kale ah ee Turkiga ayaan ku cusbayn waqooyi bari Suuriya.

Maamulka ismaamulka ee Kurdiyiinta ay hogaamiyaan ee ka taliya waqooyiga iyo bariga dalka Siiriya ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo qabashada doorashada dowladaha hoose 11-ka June.

Turkiga oo horey howlgalo militari uga sameeyay dalka Siiriya, ayaa talaabadan u arka talaabo ay maleeshiyaadka Kurdiyiinta Siiriya ku doonayaan abuuritaanka maamul madax banaan oo ay leeyihiin Kurdiyiinta oo kasoo gudba xuduudiisa.

Horseed Media