Turkiga Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyey Soomaaliya

Published: August 25, 2020

Dowlada Turkiga ayaa ku wareejisay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ku wareejisay gaadiid dagaal oo loogu talagalay inay ku howl-galaan ciidamada xoogga dalka Soomaliya, gaar ahaan guutadda seddexaad ee ciidamada Gorgor.

Gaadiidkan oo ka koobnaa 12 gaari ayey dowlada Turkigu sheegtay inay ugu talagashay inay ka caawiso ciidamada Soomaaliya la dagaalanka kooxaha argagaxisada ee ka jira Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Turkiga.

Sidoo kale waxay sheegtay in gaadiidkan lagu wareejiyey 22kii Ogos taliyaha ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Turkiga ayaa sanadkii 2017 ka samaystay Soomaaliya xerada ugu weyn uu dibad ku leedahay taasoo lagu tababaray ciidamo badan oo Soomaaliyeed, waxaana xiriir wanaagsan ka dhexeeya labadan dal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *