Turkiga oo gacanta ku dhigay 6 qof oo ka tirsan Daacish oo ay baadi goob ugu jirtay Interpol

Published: January 28, 2024

Booliska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay lix qof oo looga shakisan yahay argagixisada Daacish/ISIS oo ay baadi goobayeen booliska caalamiga ah ee Interpol ee ku sugan gobolka koonfureed ee dalkaasi, maanta oo Axad ah.

Ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Seyhan ee gobolka Adana waxa ay ku galeen guri ay ku dhuumaaleysanayeen dadkaasi la baadi goobayey.

Laba ka mid ah lixda qof ee la tuhunsan yahay, oo magacyadooda lagu soo koobay M.A.B. iyo A.S.A, ayaa wali ku jira xabsiga, halka 4 kale la masaafuriyay, ilo wareedka ayaa intaa ku daray in dhamaantood ay ku raadjoogaan booliska caalamiga ah ee Interpol, kadib markii dalalkooda ay soo saareen waaran lagu soo qabanayo.

Horseed Media