Turkiga oo heshiis iskaashi dhanka tamarta ah la saxiixday Soomaaliya

Published: March 7, 2024

Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta, taasoo sii xoojinaysa xiriirka laba geesoodka ah ka dib markii la isku afgartay heshiiska difaaca bishii hore.

Wasaaradda Tamarta Turkiga ayaa sheegtay in heshiiskan oo ay ku tilmaantay inuu yahay heshiis dowladeed uu ka mid yahay baarista, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka dhulka iyo badda Soomaaliya.

“Waxaan heshiis is afgarad ah la saxiixannay dowladdaha Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga dhanka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ah ee Soomaaliya ee dhulka iyo Badda.

Heshiiskaan waxaan ku fulineynaa howlo wadajir ah oo kheyraadka Soomaaliya lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed. Waxaa hiigsaneynaa inaan xoojino joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika iyadoo la kaashanayo iskaashi cusub oo dhanka tamarta ah.” ayuu yiri Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Heshiiska waxaa ka mid ah gaadiidka, qeybinta, sifeynta, iibinta iyo howlaha adeegyada shidaalka iyo badeecadaha kale ee laga helo mashaariicda dhulka iyo badda, sida ay sheegtay Wasaaradda Turkiga.

“Sahaminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya, oo hadda u eg shidaal, ayaa si dhaqso ah uga bilaaban doona meelaha aan aqoonsannay. Waxaan, laga yaabaa, inaan u diri doono markabkayaga seismic (sahaminta) wejiga koowaad halkaas,” ayuu yidhi, isagoo aan faahfaahin.

Horseed Media