Turkiga oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo militari oo ka dhan ah xoogagga Kurdiyiinta ee Suuriya

19 hours ago

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa ku hanjabay in tallaabo milatari laga qaadi doono kooxda xiriirka la leh PKK ee YPG haddii ay fulin waayaan dalabaadka Ankara.

Turkiga ayaa ku hanjabay inuu billaabi doono howlgal milateri oo ka dhan ah xoogagga Kurdiyiinta ee Suuriya haddii aysan aqbalin shuruudaha Ankara kadib afgambigii Bashaar al-Assad bishii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa u sheegay telefishinka CNN Turk goor dambe oo salaasadii ah in “ay sameyn doonnaan waxa lagama maarmaanka ah” haddii Unugyada Ilaalinta Dadka (YPG) ay ku guuldareystaan ​​inay buuxiyaan shuruudaha Ankara.

Fidan waxa uu sheegay in “hawlgal militari” uu imaan karo, inkastoo uu intaa ku daray in hogaanka cusub ee Suuriya oo Turkiga taageersan uu awood u leeyahay inuu keligiis la dagaalamo YPG.

Afgembigii Al-Asad ee xoogaga mucaaradka ee bishii hore ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in Turkiga uu si toos ah u farageliyo ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya, kuwaas oo Ankara ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK).

PKK ayaa muddo tobanaan sano ah dagaal kula jirtay dowladda Turkiga. Turkiga, iyo sidoo kale Maraykanka iyo Midowga Yurub, waxay muddo dheer u aqoonsanayeen “urur argagixiso”. Colaaddaas ayaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof.

Horseed Media