Turkiga oo qoronaya 40 kun oo ciidamo cusub ah

Published: January 3, 2018

Wasaarada Gaashaandhiga Turkiga ayaa la sheegay inay sanadkan cusub qoron doonto in ka badan 42 kun oo askari oo cusub oo lagu bedalayo kuwii shaqada laga eryay sanadkii lasoo dhaafay.

Askarta cusub ee la shaqaaleyn doono ayaa la sheegay inay ku jiraan in ku dhaw 4kun oo Sarkaal.

Dowlada Turkiga ayaa shaqada ka cayrisay kumanaan kun oo askari kadib inqilaabkii fashilay, waxaana kamid ahaa xubnaha shaqada laga saaray 150 jeneraal iyo in ku dhaw 5kun oo sarkaal oo xilal kala duwan ka hayey militariga.

Waxaa sidoo kale ay xukuumada Erdogan kala dirtay in ka badan 16kun oo askarta tababar u socday oo la la xariiriyey kooxda uu hogaamiyo Wadaadka Gullen oo lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay inqilaabkii militari ee fashilay bartamihii sanadkii 2016.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *