Turkiga oo sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababaridda iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Published: April 9, 2023
Shares4

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.

Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa ka wada hadlay sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Saraashiishan oo ka socday Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeynta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dolwada dooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Taba barada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad.

Horseed Media