Turkiga oo taageeray go’aankii lagu laalay Muddo kororsiga

Published: May 2, 2021

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Golaha shacabka wakhtigiisu dhamaaday uu ku ayiday soojeedinta ah in dib loogu laabto heshiiska 17-September ee hanaanka Doorashada dalka.

Qoraalka Wasaaradda ayaa waxa ay ku sheegtay in go’aankan uu horseedi doono in dib loo bilaabo wadahadalkii doorashada waxaana ay ugu baaqday dhinacyada Siyaasadda dalka in ay ka heshiiyaan arimaha dhiman si looga gudbo khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

“Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada iyada oo aan dib loo dhigin lana hubiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada iyadoo laga gudbayo khilaafaadka”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *