Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu caleemasaaray degmada Halgan ee gobolka Hiiraan

Published: May 13, 2024

Waxaa maanta deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu caleemasaaray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah ugaasyada ugu saldanada weyn gobolkaasi.

Munaasabadda waxaa isugu tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaannada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Taliyaha NISA iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale xafladda Caleemo-saarka Ugaaska Yuusuf waxaa ka qeyb-gelaya duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo qaar kamid ah ka yimaadeen deegaannada Soomaali Galbeed..

Horseed Media