Ugaaska guud ee beesha Cali Xijiijle oo magaalada Bosaso lagu caleema saaray-Sawiro

Published: March 12, 2017

Magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu caleema saaray Ugaaska guud ee beesha Cali Xijiijle, kadib xaflad ballaaran oo ka dhacday hotel Gacayte ee magaalada.

Ugaaska beeshaasi ayaa loo caleema saaray Ugaas Muxyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmad, waxa uuna booskaasi ka naxlay abaahiis Allaha u naxariistee.

Xafladda caleema saarka ugaaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay nabadoono, isimo, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro,haween, aqoonyahano, culimo’udiin, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil, xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Beldaaje Cali Faarax oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan ugaaska beesha Cali Xijiijle, isla markaana la shaqeyn doonaan.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasin ayaa isna dhankiisa sheegay in caleema saarka ugaaska ay ku soo beegmatay maalin ku weyn umadda reer Puntland, waayo maanta waxa ay ka mid tahay maalmihii la asaasay Puntland-Soomaaliya.

Cabdirashiid Ismaciil Boqor oo wakiil u ahaa boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in uu salaan iyo marxabeen uu ka wado boqor Burhaan Boqor Muuse isla markaana uu Ale uga baryey in xilka loo dhiibay uu u fududeeyo ugaaska Beesha Cali Xijiijle

Dhammaan dadkii ka soo qeyb galay xafladda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Muxyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmad.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *