Uganda: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay kadib markii doon ay ku safrayeen ku degtay harada Victoria.

Published: August 3, 2023

Booliska ayaa shilka doonida ku macneeyay culeys xad dhaaf ah iyo cimilo xumo. Boqolaal qof ayaa ku geeriyoota shilalka doomaha ee ka dhaca harooyinka Uganda sanad walba.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay kula qalibantay harada Victoria ee dalka Uganda Arbacadii.

Booliska Uganda ayaa sheegay in sagaal qof la soo badbaadiyay, waxaana shaqaalaha gurmadka ay baadi goob ugu jiraan dad kale oo ay dhici karto in ay ka badbaadeen shilkan.

Doonta xamuulka ah ayaa siday dhuxul, raashiin iyo kalluun, waxaana shilkan uu dhacay subaxnimadii Arbacada, xilli cimilo xumo ay jirtey. Booliska ayaa rumeysan inay saarnaayeen doonta 34 qof.

“Sababta [shilka] waxaa loo aaneynayaa culeyska xad-dhaafka ah ee doonta saarnaa iyo cimilada oo xun,” bilayska ayaa yiri. “Waxaan ka codsaneynaa xubnaha dadweynaha ee ku safraya biyaha inay mar walba xirtaan jaakadaha dabaasha oo aysan xad dhaaf u rarin doomaha.”

Harada Victoria waa harada ugu weyn Afrika. Waxay xuduud la leedahay Uganda, Kenya iyo Tanzania.

Boqolaal qof ayaa ku geeriyoota shilalka doomaha ee ka dhaca harooyinka Uganda sanad walba.

Shilalka doomaha ayaa inta badan loo aaneeyaa ciriiriga doonta iyo cimilo xumo, waxaana inta badan dhimashadu ay aad u sii badataa iyada oo la helin jaakadaha dabaasha iyo dad yar oo dabaasha yaqaan.

Horseed Media