179 qof ayaa ku dhintey shil diyaaradeed ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

2 days ago

Diyaarad ay leedahay shirkadda Jeju Air oo ay la socdeen 181 qof ayaa ka baxdey dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, waxaana ay ku dul dhacday darbi ka hor inta uusan dab qabsan.

Diyaarad siday 181 qof ayaa ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed , iyada oo marba marka ka danbeysa tirada dhimashadu kor u kacayso ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey 179 qof, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka degdegga ah.

Ilaa hadda dadka shilkan ka badbaadey oo laga soo saarey burburka ayaa ah laba qof oo keliya kuwaas oo ka mid ahaa shaqaalihii diyaaradda

Diyaaradda Jeju Air ayaa ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand markii ay shilka geleysey.

Waaxda gurmadka deg dega ah iyo wararka gudaha ayaa sheegaya in diyaarada ay cilad ku timid qalabkii ay ku degi lahayd.

HORSEED MEDIA