Ugu yaraan afar qof ayaa lagu diley qarax ka dhacay Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho

Published: January 8, 2020

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu diley 10 kalena waa ku dhaawacantey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Sayidka.

Halka qaraxu ka dhacay ayaa ah goob aad ugu dhaw Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana maanta si caadi ah u socdey fadhiyadii baarlamaanka.

Ururka al-Shabaab ayaa durba sheegtay masuuliyadda weerarkan.

Dad goobta ku dhaw ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay in qiiq iyo uuro cirka isku shareereen kadib markii qaraxu dhacay, kaas oo saameeyey gawaari kale.

Adan Cabdullaahi oo ah sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in wadaha gaariga qaraxa sida uu doonaayey in uu ka gudbo goobta gawaarida lagu baaro, laakiin markuu arkey in aanu ka gudbi karin ayuu qarxiyey. Adan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ugu yaraan afar qof ay ku geeriyootey 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *