Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatey is-rasaaseyn ka dhacdey Adis Ababa

Published: April 13, 2024
Nahusenay Andarge oo ka mid ahaa saraakiisha FANO

Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxda FANO ee dagaalka kula jirta mamaulka Abiy Ahmed, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Qaar kamid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sheegaysa in Nahusenay Andarge, oo ahaa hoggaamiye caan ah oo ka tirsanaa jamhadda Fano kana hawlgali jirey degaanka Gonder ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, uu ka mid yahay labada qof ee la diley.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Toogashada ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa daba socotay toogashadii Bate Urgessa oo ahaa nin mucaarad ah oo caan ka ahaa magaalada Meki ee gobolka Oromia habeenkii talaadada. Mareykanka, Britain iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa ku baaqay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dhimashadiisa.

HORSEEDMEDIA