Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintey qarax ka dhacay Muqdisho

Published: February 20, 2024
Shares4

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qarax culus oo habeenkii xalay ee Isniinta ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasey ayaa ku kacdey gaari basaska yaryar ah ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen iyo Bajaaj, wuxuuna geystey khasaao lixaad leh.

Sida lagu sheegay qoraalka booliska, qaraxa waxaa ku naf waayay Shan ruux, halka dhaawaca uu toban ruux ka badan yahay, dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ayaa dhamaantood ah dad shacab ah.

“…Khasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah dhimashada 5 qof, waxaana ku dhaawacmey 10 qof oo kale oo dhamaantood shacab ah” ayaa lagu yiri warka booliska.

Waxay wararku sheegayaan in gari ciidamo saarnaayeen goobta marey wax yar ka hor inta aysan miinadu qarxin.

Waxaa la aaminsan yahay in qaraxan ay fuliyeen Malayshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Horseed Media