Ujeedada Shirka Soomaalida Loogu Qaban Magaalada London

Published: February 17, 2012

Xafiiska Britain ee Arrimaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey Ahdaafta Shirka London, waxaana ka soo baxay qoraal sidan u dhignaa:

Inkastoo dadaal badan ay sameeyeen midowga Afrika, Qaramada midoobe iyo beesha caalamka, siyaasadda caalamiga ee Soomnaaliya ayaa wali guuleysan la`a. Ka dib 20 sano oo dib u dhac ah, Soomaaliya waxaa ay u baahantahay isbadal ay sameeyso bulshada caalamka iyo waliba madaxda Soomalida.

Taarikhdu marka ay tahay 23 bisha Febraaryo, madax sar sare oo ka socoto 40 dal iyo hay`ado kala duwan ayaa waxaa ay isugu imaanayaan London iyagoo hadafkoodu yahay sidii loo soo saari lahaa qaab cusub oo loola tacaali karo arimaha Soomaaliya. Waxaa ay ka wada hadlayaan sida bulshada caalamka ay u sameyn karto dadaalkeeda si ay u xaliso dhibaatooyinka Soomaaliya iyo sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinkaas.

Waxaa hadda aan qabaneynaa wadahadal lala yeelanaaya kaabayaasheena caalamiga ah iyo Soomaalida (oo ay ka mid tahay bulshada rayidka ah) si ay isugu waafaqaan xal la hirgelin karo.

Dhanka siyaasadda, macaahidda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya dhamaan waxaa ay mudadooda u dhamaaneysaa bisha August. Ka dib 7 sano oo uu horumarkoodu yaraa, waa in macaahiddaan aan wakhtiga loo kordhinin. Shirka London waa in la isku waafaqo qaab loogu caawin karo dowlada KG Soomaaliya in nidaam walboo yimaada dowladda ku meel gaarka ka dib in uu ahaado mid mathalayaa dhamaan dadka oo idil oo islamarkaana sharci ah.

Dhanka amaanka,ciidamada midowga Afrika waxaa ay riixeen Al-shabaab oo ay ka saareen Muqdisho iyo ciidamada Kiinya oo iyagana dib u durkiyey Al-shabaab. Laakiin ciidamada Afrikaanka waxaa ay la`ayihiin taakuleyn dhanka dhaqaalaha ah oo ku filan marka loo eego heerka howlgalka qaramada midoobe ee UNSC-. Sidaa darted shirka London waa inuu taageero in la kordhiyo dhaqaalaha lagu taageero ciidamada midowga Afrika oo ah mid la daaimi karo maadama ay ciidamadaas muujiyeen dhiiragelin weyn oo ay ugu qeyb qaateen howlaha nabad sugidda.

Horumarka Soomaaliya waxaa uu ka muuqdaa gobolada. Puntland iyo Galmudug waxaa ay sameysteen heshiisyo maxali ah iyo maamulo. Shirku waa in uu isku waafaqaa in mucaawino lagu taageero gobolada Soomaaliya oo ka qeyb qaato nabadeynta iyo xasilinta qaranka. Tani waxaa ka mid noqon doono tilaabooyin muujin doono qaabka loo taageeri karo goboladan, iyo in nidaam lagu taageeri doono heshiisyada amaanka ee maxaliga ah, maamulada maxaliga ah iyo wanaajinta bixinta adeegga bulshada si dadka deegaanada loogu muujiyo in uu jiro amaan la dareemi karo. Tani waxaa ay caawin doontaa fidinta sharcinimada dowladda iyo goobaha ay gaari karto.

Burcadbadeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya waxaa ay dabamarsantahay xeerka caalamiga ah.Waan in aan jebinaa isku xirnaashada ganacsiga burcadbadeednimada. Sidaa darted shirku waa in uu taageero in burcad badeeda laga soo wareejiyo dalalka gobolka sida Seychelles oo loo soo wareejiyo Soomaaliya; in la sii wado gacan ku dhigidda, maxkamadeynta, iyo xabsi dhigista burcad badeeda iyo horumarinta waaxaha ilaalada badda ee gudaha Soomaaliya.

Waan in aan argagaxisada u ogolaanin in ay ka howlgalaan gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Shirku waa in uu iskuwaafaqaa goobaha hormariska u baahan si loo hakiyo argagaxisanimada ka jirta gobolka iyadoo ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqa argagaxisada gudaha iyo dibadda Soomaaliya, in la hakiyo xawilidda dhaqaalahoodu iyo in la saameeyo qaab wanaagsan oo lagu uruurin karo macluumaad sirdoon ah, maxkamadeynta falalka dambiyada ah iyo xabsi gelinta argagaxisada.

Dhanka gargaarka binaadinimadu, shirku waxaa u fursad siinayaa in loo muujiyo deeq bixiyayaasha in ay si wanaagsan ugu jawaaban baahida asaasiga ah, iyo inn dhaqaallo badan lagu bixiyo hab noolaleedka iyo adeega buulshada iyo in laga shaqeeyo in xal waraa lo heelo arrinta qaxootiga.

Uga dambeyn , waxaan rajeyneyna inn shirka London uu noqdo bilowga hawl sii socon doonto. Waxaan rabnaa in la isku afgarto sidii loola tacaali lahaa arrimaha Soomaliya mustaqbalka; dib u habeyn loogu sameeyo Gudiga xiriirka caalamiga(ICG); iyo in aan geyno diblomaasiyiin iyo shaqaalla gudaha Soomaliya.

Waxaa jira arima adag on aan xal loo heeli karin hal habeen oo qur ah. Waxa aan sii wadeynaa in aan taageerno shaqada ay wadaan UN, AU , NGOs iyo dowrka muhiimka ah ee urrurada bulshadaa rayidka. Tan waxay u baahantahay in la helo daadal siyaasadeed oo joogta ah iyo tilaabooyin qeexan oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiinta Soomaaliya. Xitaa haddi la helo dadaalkan joogtada ah, horumar in la gaaro wakhti badan ayey qaadan doontaa, balse, waxaan rajeyneynaa in shirkan uu sababo isbedel.

Source : Xafiska Britain ee Soomaliya website; www.ukinsomalia.fco.gov.uk