UK ayaa ka digtay in Ruushku dhigayo ‘miinada badda’ si uu uga hortago maraakiibta xamuulka qaada ee Badda Madow

Published: October 5, 2023
Shares10

Ruushka ayaa laga yaabaa inuu u isticmaalo miinooyinka badda maraakiibta rayidka ah ee ku sugan Badda Madow, oo ay ku jirto in la dhigo marinka dekedaha Ukraine, sida ay sheegtay Boqortooyada Ingiriiska oo soo xiganaysa ilo sirdoon.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidamada badda ee Ukraine ay sheegeen in 12 markab oo xamuul ah ay diyaar u yihiin inay soo maraan badda madow, iyagoo ku sii jeeda dekedaha Ukraine, taasoo ah koror weyn oo ku yimid gaadiidka badda ee Ukraine u socda, arrintaasi oo kasoo horjeeda go’doominta Ruushka uu ku hayo dekedaha dalkaas.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa qoraal uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in xogtan sirdoonku ay muujinayaan in Ruushku uu ka fiirsanayo isticmaalka miinooyinka badda si uu u xakameeyo maraakiibta rayidka ee u socda Ukraine si loogu fududeeyo dhoofinta hadhuudhka ee dekedaha Badda Madow.

“Ruushku dhab ahaantii wuxuu rabaa in uu ka fogaado inuu si cad u qarxiyo maraakiibta rayidka ah, balse wuxuu doonayaa in si been abuur ah ugu eedeeyo Ukraine weerar kasta oo ka dhan ah maraakiibta rayidka ah ee ku sugan Badda Madow,” ayuu yiri Xafiiska Arrimaha Dibadda UK, waxayna intaasi ku dareen: “Markaan sii deyno qiimeynteena sirta ah, UK waxay dooneysaa inay soo bandhigto tabaha Ruushka si looga hortago dhacdo kasta oo noocaas ah,”.

Horseed Media