UK: Baarlamaanka oo ansixiyey qorshaha Qaxootiga loo Musaafurinayo wadanka Rwanda

Published: April 23, 2024
Shares12

Aqalka Sare ee Baarlamaanka UK ayaa xalay saqdii dhexe ansixiyey qorshaha xasaasiga ah ee Xukuumada UK dooneyso inay ku musaafuriso Qaxootiga ay u diido sharciga, kuwaasi oo ay heshiis kula gashay dowlada Rwanda in wadankaas loo musaafuriyo.

Xukuumada Xagjirka ah ee Raysalwasaare Rishi Sunak ayaa qorshahan doonaya inay hoos ugu dhigto tiradda dadka qaxootiga ah ee wadankaasi Magangalyada waydiisanaya. Balse ururada Xaquuqul Insaanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta dalkaasi ayaa ku tilmaamay qorshahan mid garab maraya sharuucda caalamiga ah iyo xaquuqul Insaanka.

Horraantii bishan Abriil, Sunak iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo ku kulmay London ayaa sheegay inay rajaynayaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee qaxootiga la musaafurinayo ay bilowdaan bisha soo socota.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa isku dayey inay wax ka bedalaan sharcigan cusub, isla markaana ku daraan qodobo illaalinaya inaan la tarxiili karin qaxootiga qaarkood, sida dadka kasoo jeeda Afghanistan ee lasoo shaqeeyey ciidamada UK ee wadankaasi kasoo dagaalamay.

Balse Xisbi Xaakimka (Conservative Party) oo heysta aqlabiyada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa diiday soojeedinta Aqalka Sare ee in sharcigan wax laga bedalo, iyadoo ay codka siiyeen  305 Xildhibaan ansixinta sharcigan, halka 234 Xildhibaan taageereen in wax laga bedalo.

Raysalwasaaraha UK Sunak, ayaa sheegay in wax ka qabashada doonyaha yar yar ee tahriibayaasha taga dalka Ingiriisiga ay ka mid tahay shan arrimood oo mudnaanta u leh dowladdiisa.

Qorshaha Ruwaanda waxa uu ahaa mid ka mid ah qorshayaasha muranka badan dhaliyay ee siyaasadda socdaalka ee dawladda maadaama uu dhaliyay dhaleecayn caalami ah iyo mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhacay UK.

Horseed Media