UK: Nin Mindi ku hubeysan oo Saddex Qof Dilay- SAWIRRO

Published: June 21, 2020

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay in uu weerar mindi loo adeegsaday uu ku dilay Saddex qof , tiro kalena uu ku dhaawaca barxad ku taala bartamaha beer lagu nasto oo ku bartamaha magaalada reading ee wadanka Ingiriiska.

Ninka booliisku ay u qabteen weerarka mindida ayaa ah 25 sano jir soo jeedo asal ahaan wadanka Liibiya. Booliisku waxay sheegeen inaysan jirin cid kale oo u daba joogaan weerarka

Booliisku waxay intaas ku dareen in weerarkan ayan u aqoonsanayn fal argagixiso balse waxaa goobta shilku ka dhacay loogu yeeray ciidamada la dagaalanka argagixisada.

Ra’isul wasaaraha Britian Boris Johnson oo ka hadlay weerarka lagu dlilay saddex qof ayaa sheegay in qalbigiisu uu la jiro qoysaska saddex qof. sidoo kale xogyaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa cambaaraysay weerarkaas mindida loo adeegsaday.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *