UK oo Muuse Biixi ugu baaqday inuu xabad-joojin iyo Wadahadal la galo SSC-Khaatumo

Published: August 27, 2023
Shares30

Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, ayaa bartiisa Twitter (x) ku shaaciyey inuu la hadlay Madaxweynaha Somaliland uguna baaqay inuu dhawro sharuucda caalamiga ah, isla markaana ku dhawaaqo xabad joonin iyo wadahadal.

” Waxaan la hadlay Madaxweyne Muuse Biixi, si Dowlada UK ay walaac xoogan uga muujiyaan xaalada ka sii daraysa ee Laascaanood. UK waxay ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, oo ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, ayna xaqiijiyaan in gargaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn la gaadhsiiyo kuwa u baahan. Xabbad joojin iyo wadahadal ayaa muhiim ah.” ayuu yiri Safiirka.

Hadalka kasoo baxay UK ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi qirtay markii ugu horeysay jabkii militari ee kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii looga qabsaday saldhigii ugu weynaa ee GoojaCade, Biixi ayaa markale ku goodiyey inuu wado abaabul dagaal oo uu uga aargudanayo xoogaga kasoo horjeeda siduu sheegay.

Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay diiday baaqii kasoo baxay Beesha Caalamka iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo horey ugu baaqay inay ciidamadooda ka dul-qaadaan magaalada Laascaanood oo ay duqeenayeen tan iyo horaantii bishii Feberaayo.

Horseed Media