UK oo noqotay dowlada ugu horeysay ee bilowda Talaalka Shacabkeeda

Published: December 8, 2020

Dowlada UK ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah u bilowday Talaalka shacabkeeda si looga hortago cudurka Covid-19.

Wadanka UK ayaa ahaa dalkii ugu horeeyey ee ansixiyey isticmaalka daawada Talaalka oo ay soo saareen shirkadaha Pfizer & BioNTech.

Margaret Keenan oo ah haweenay 90 sano jir ah oo dalkaasi ku nool ayaa noqotay  qofkii ugu horeeyey ee la talaalo, waxaana lagu wadaa in dadka ugu horeeya ee talalkan lasiinayo ay yihiin dadka waayeelka ah iyo dadka kale ee u nugul cudurka Covid-19 oo caalamka ku dilay in ka badan 1.5 milyan oo qof.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *