UK: Saddex qof oo loo xiray inay u basaasayeen Ruushka

Published: August 16, 2023

Saddex muwaadin oo Bulgarian ah oo ku nool Boqortooyada Ingiriiska oo la xidhay bishii Febraayo iyaga oo lagu eedeeyay dambiyo basaasnimo ah iyaga oo ka wakiil ah Ruushka ayaa lagu eedeeyay in ay haysteen dukumentiyo aqoonsi oo been abuur ah, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska Magaalada London ayaa xaqiijiyay Talaadadii in Orlin Roussev 45 jir, Bizer Dzhambazov 42jir, iyo Katrin Ivanova 32jir, la dhigay xabsiga ka dib markii ay ka soo muuqdeen dabayaaqadii bishii hore maxkamada dhexe ee London, xogtan ayaa banaanka usoo baxday kadib warbixin ay shaacisay Warbaahinta dalkaasi ee BBC.

Saddexda qof ayaa looga shakisan yahay inay u shaqaynayeen laamaha ammaanka ee Ruushka, sida ay ku warrantay BBC-da iyo warbaahinta kale ee UK.

Eedeymaha ayaa lagu sheegay in saddexdan qof ay wateen dukumeenti been abuur ah oo ka mid ahaa 34 warqadood oo aqoonsi ah oo ay gacanta ku hayeen.

BBC-da ayaa sheegtay in dukumeentiyada ay ku jiraan baasaboorada iyo kaararka aqoonsiga dalalka; UK, Bulgaria, France, Italy, Spain, Croatia, Slovenia, Greece iyo Czech Republic.

Sida ay sheegtay BBC-da, saddexdan waxaa xiray “baariyaasha la dagaalanka argagixisanimada ee ka socda Bilayska Metropolitan, oo leh mas’uuliyadda bilayska qaranka ee falalka basaasnimada”.

Horseed Media