UKRAINE: Ciidamada Ruushka oo dagaal adag ku qabsaday qaybo kamid ah caasimada Kyif

Published: February 26, 2022

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo diiday inuu ka baxo Caasimada oo ay hareereeyeen ciidamada Ruushka ayaa sheegay inuu sii dagaalami doono.

Maraykanka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Ukraine iyo qoyskiisa in laga saaro magaalada sii loo badbaadiyo arrintaasi oo uu diiday Madaxweynaha Ukraine oo muuqaal uu kasoo dhex duubay magaalada Kyif ku sheegay in shacabka ay dagaalamaan.

(Photo by Sergei SUPINSKY / AFP)

Xalay ayey magaalada dagaalo culus ka dhaceen iyadoo goobaha qaarkood lagu jabiyey ciidamada Ruushka oo dib uga gurtay dhowr goobood, ciidamada Ruushka ayaa kasoo weeraray Kyif afarta jiho, iyagoo aan weli ku guuleysan inay qabsadaan bartamaha magaalada.

Dowlada Ukraine oo kaydkooda hubka u furay shacabka ayaa sheegay inay hubka fudud u qeybiyeen in ka badan 18-kun oo qof oo shacabka ka mid ah oo diyaar u ah inay dagaalamaan.

Dhinaca kale waxaa isa soo tareysa cunaqabateynta la saarayo Ruushka iyadoo Maraykanka sheegay inuu cunaqabateyn saaray hantida Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Lavrov.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *