UKRAINE: Ciidamada Ruushka oo la wareegay Warshada Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub (Zaporizhzhia)

Published: March 4, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa ‘qabsaday’ warshadda Zaporizhzhia ee Nukliyeerka oo ah tan ugu weyn qaarada Yurub kadib weerar dhacay saaka oo Jimce ah, sidaa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiinta dowlada Ukraine.

Hay’adda caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka ayaa sheegtay in wax shucaac ah halista kasoo fakan warshadaasi kadib markii uu dab ka kacay xarunta xiligii dagaalka ka dhacay deegaankaasi, iyadoo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku eedeeyay Ruushka fal “argagixiso nukliyeerka” kadib markii ay weerareen warshadaasi muhiimka ah.

Ciidamada Ruushka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka geysanayaan magaalooyin badan oo ay ku jirto Chernihiv, oo ku yaalla waqooyiga Ukraine, halkaasoo ay saraakiishu sheegeen in 33 qof oo rayid ah lagu dilay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *