Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Sabtidii sheegay in qeybtii labaad ee diyaaradaha F-16 ay soo gaareen Ukraine, iyagoo ka yimid Denmark.
“Dufcaddii labaad ee F-16 oo Danmark ka timid ayaa soo gaadhay Ukraine. Tani waxay tusaale u tahay hoggaaminta difaaca nolosha ee Danmark ka soocaya,” ayuu Zelenskiy ku yidhi qoraal uu soo dhigay X.
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in diyaaradaha F-16 ay horey u joojinayeen gantaalada Ruushka ayna ilaalinayaan kaabayaasha Ukraine iyo nolosha rayidka. “Hadda gaashaankayaga hawada ayaa sidoo kale la xoojiyay,” ayuu yiri Zelenskyy.
Diyaaradaha F-16 ayaa si weyn kor ugu qaadaya awooda difaaca cirka ee Ukraine ee ka dhanka ah weerarada cirka ee Ruushka, iyagoo siinaya diyaarad dagaal oo casri ah oo aad loogu baahan yahay si ay uga hortagto duulista ciidamada Ruushka.
Ukraine ayaa raadineysay diyaaradahan casriga ah tan iyo markii duulaanka buuxa ee Ruushka uu bilowday Febraayo 2022.
Horseed Media