Ukraine oo gantaalada riddada dheer ee uu Maraykanku keenay Ruushka ku riday

19 November, 2024

Ukrain ayaa u adeegsatay gantaalada taaktikada ah ee ridada dheer ee loo yaqaan Atacms weerar ay saaka ku qaaday gobolka Bryansk ee dalka Ruushka

Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay gantaalada riddada dheer ee uu Maraykanku keenay ku riday dalkeeda, maalin ka dib markii Washington ay fasaxday weerarrada cayn oo kale ah.

Ukrain ayaa u adeegsatay gantaalada taaktikada ah ee ridada dheer ee loo yaqaan Atacms weerar ay saaka ku qaaday gobolka Bryansk ee dalka Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Shan gantaal ayaa la soo riday midna waa uu burburay, iyadoo jajabkooda ay sababeen dab ka kacay xarun ciidan oo ku taal gobolka, sida ay sheegtay Gaashaandhigga Ruushku.

Duqeyntan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee gantaalada riddada dheer loo adeegsado dhulka caalamku aqoonsan yahay ee Ruushka ka dib markii Washington ay ka dhawaajisay in Ukraine ay oggolaansho u haysato. Ruushku wuxuu wacad ku maray inuu “ka falcelin doono si lamid ah”

Militariga Ukraine ayaa goor sii horeysay xaqiijiyay in ay duqeeyeen bakhaar rasaas lagu keydiyo oo ku yaala gobolka Bryansk ee dalka Ruushka, balse ma aysan cadeyn in loo adeegsaday Atacm iyo in kale.

Putin waxa uu ogolaaday isbedel lagu sameeyo nidaamka Nukliyeerka ee Ruushka, caro xoog leh ayaa ka jirta Ruushka kadi tallaabada gantaallada.

Talaadadii, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in Ruushku ay aaminsan yihiin in gantaallada ridada dheer ay gacan ku hayaan “khabiiro milateri oo Maraykan ah”.

“Waxaan u qaadan doonaa tan waji ka soo cusboonaaday dagaalka reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka, waana ka falcelin doonnaa,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay G20 ee Rio de Janeiro.

Moscow ayaa Isniintii sheegtay in weerar kasta oo ka dhaca gudaha dalkeeda oo lala beegsado gantaalada Mareykanka ay keeni doonto “jawaab ku habboon oo la taaban karo”.

Gantaalada Mareykanka ee hada Ukraine ay heysato ayaa gaari kara ugu yaraan 300km, taasi oo fursad usii karta inay duqeyso boqolaal xarumaha militariga Ruushka iyo 16 kamid ah saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka.