Ukraine oo weerartay maraakiibta Ruushka ee ku sugan gacanka Crimea ee difaaca cirka

Published: September 21, 2023
Shares38

Ukriane ayaa horumar la taaban karo ka samaysey dagaalka socdey mudada hal sano iyo lix bilood ah oo ay kula jirtey quwada Ruushka, waxaana hadda ay awood u yeelatey in ay weeraraan difaacyada casriga ah ee Ruushka. Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale qabsaday labo magaalo oo dhanka bari ah, xilli ay hareereeyeen magaalada istraatiijiga ah ee Bakhmut, taasoo meesha ka saartay difaacyadii Ruushka ee koonfurta.

Taliska Istiraatijiyadeed ee Ukraine ayaa sheegay in ay duqeeyeen laba ka mid ah maraakiibta ilaalada ee Vasily Bykov Project 22160 ee Ruushka taas oo sababtay khasaare aan la cayimin. Ukraine ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadayso ciidamada Ruushka ee badda madow iyo saldhiga ay ku leeyihiin Crimea, ee Sevastopol.

Weerarada ugu danbeeyey waxaa cidiamada Ukriane ay isticmaaleen doonyo sida drone ah oo iyagu iswada kuwaas oo uu ku rakiban yahay bom waxay ku shaqeynaayaan duufaan iyo hirara waaweyn oo ay isku qarinayaan, waana hubkii ugu casrisnaa ee Ukraine ay dagaalka u iticmaasho, taas oo welwel xoogleh ku abuurtey Ruushka.


Ruushaka ayaa hadda bilaabey in uu maraakibtiisa casriga ah kala baxo badda Madow.

Horseed Media