Ukraine oo xiriirka u jartay Kuuriyada Waqooyi

Published: July 14, 2022

Dowladda Ukraine ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kuuriyada Waqooyi, ka dib markii Pyongyang ay sheegtay inay dalal madaxbannaan u aqoonsaneyso Gobolada Donetsk iyo Luhansk ee bariga dalka Ukraine.

Ruushka ayaa bishii February aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Donetsk iyo Jamhuuriyadda Dadka Luhansk, maalmo uun ka hor, intii aanu weerarin dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay tallaabada ay Kuuriyada Waqooyi ku aqoonsatay dhul ay sheegtay in Ukraine leedahay, balse uu Ruushku haysto.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Kiev ay jareyso xiriirkii diblomaasiyadeed, ee ay la laheyd Pyongyang.

Syria oo xulafo la ah Ruushka ayaa horey u sheegtay inay si rasmi ah goboladaasi ugu aqoonsaneyso laba jamhuuriyadood oo ka madaxbannaan Ukraine.

Gulufka militari ee Ruushku ka wado bariga dalkaasi ayaa waxaa ku wehlinaya xoogag gooni-goosad, kuwaa oo doonaya in ay ka go’aan Ukraine inteeda kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *