UN: Xoghayaha Guud oo ka codsaday Trump inuu ka noqdo Go`aankiisii xayiraada Qaxootiga – VIDEO

Published: February 2, 2017

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay khalad tahay go`aankii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka Trump ee xayiraada lagu saaray qaxootiga Maraykanka yimaada iyo muwaadiniinta 7 dal oo Muslimiin ah.

Antonio Guterres oo ah Xoghayaha Guud ee dhawaan xilka la wareegay ayaa isagu horey usoo noqday Madaxa hay`ada qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in cabsida laga qabo inay qaxootiga kusoo dhex dhuuntaan dad xagjiriin ah ay dhici karto balso qaabka uu Trump wax u doonayo aysan ahayn mid sax ah.

“….Waxaan ugu baaqayaa in si deg deg ah xayiraadaasi loo qaado….”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sidoo kale dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Siiriya oo xaalad adag ku sugan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *