UNRWA: Israel waxay weerar ku haysaa Iskuulada Gaza

Published: November 16, 2023
Shares4

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA) ayaa sheegtay in Israel ay sii wado weerarka iskuulada gabaadka siinayey barakacayaasha.

Philippe Lazzarini ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay weerareen qaar kamid ah iskuulada Gaza & Daanta galbeed taasi oo jabineysa sharuucda Caalamiga ah.

Waxay ciidamada Israel sidoo kale weerareen maalmihii lasoo dhaafay xeryaha Tulkarem iyo Nur Shams oo ku yaal Daanta Galbeed, iyagoo burburiyey wadooyinka Iskuulada UNRWA.

Israel oo ku eedayn jirtay Xamaas inay iskuulada & isbitaalada ka dhex dagaalamaan, ayaa iyada hada weerar ku heysa xarumaha shacabka.

Madaxa UNRWA oo goor dhaweyd shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay inay qarka u saaran yihiin inay joojiyaan hawlahooda Gaza.

Wuxuu sheegay in dad gaaraya 800.000 qof oo ku baro-kacay duqeynta Israel ay qarka u saaran yihiin inay macaluul u dhintaan.

UNRWA ayaa gacanta ku heysa iskuulada Gaza oo hada hoy u noqday shacabka ay Israel baro-kicisay.

Lazzarini ayaa sheegay in hawlahooda sidoo kale caqabad ku yihiin isgaarsiinta la jaray iyo waliba shidaal la’aanta ka jirta Gaza.

Madaxa UNRWA ayaa sheegay in Israel si bareer ah u carqaladeenayso hawlahooda gargaarka.

Horseed Media