UNSOM Oo U Hambalyeysay Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya

Published: October 23, 2020

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadija Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xukuumaddii uu todobaadkan magacaabay Ra’isal wasaare Maxmed Xuseen Rooble.

Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisaha guud ee ay Soomaaliya wajaheyso.

Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadayaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso.

“Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno  culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, waxaan u xal raadin doonnaa culeysyadaas innaga oo qaadeynta dadaal loo dhan yahay oo xal-waara lagu raadiyo”

Adam Abdelmoula

Soomaaliya ayaa wajaheysa culeysyo uga imanaya jihooyin seddex ah oo kala ah; ayaxa saxaraha, saameynta COVID19 iyo raadka ay ka tageen fatahaadihi dhawaa.

Iskaashiga QM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa muhiim u ah in la isku dayo yareynta, kahortagga iyo maareynta halis-wadareedyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *