Urur goboleedka IGAD oo ka war ka soo saartay xaaladda Laascaanood

Published: February 2, 2023

Urur goboleedka IGAD oo ka war ka soo saartay xaaladda Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda magaaladaasi.

IGAD ayaa sheegtay in Xiisadda Laascaanood ay horseeday inay tiro dad ah ay ku dhinteen halka khasaare kalena uu ka dhashay.

Sidoo kale Ururkan ayaa sheegay in Somaliland ay ku howlan tahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadda.

IGAD ayaa u mahadcelisay in dadaallada nabadeed ee uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan joojinta colaadda Laascaanood.

Bayaanka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka shaqeeyaan xaqiijinta amniga, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Horseed Media