Urur Siyaasadeedka Mideeye oo hambalyo u direy Xoghayihii ururka Abshir Cumar Huruuse

Published: August 2, 2022
Shares170
Abshir Cumar Huruuse

Waxaa golaha wasiirada xukuumadda federaalka ka soo dhex muuqday Xoghayhii guud ee ururka Mideeye Abshir Cumar Huruuse, oo loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Dibadda

War ka soo baxay xafiiska Mideeye ayaa sidaan loo dhigay

Urur Siyaasadeedka MIDEEYE wuxuu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhamaan golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Ferraalka soomaaliya, si gaar ah wuxuu ururka Mideeye hambalyo ugu dirayaa Xoghihii Guud ee Ururka MIDEEYE Muddanne, Abshir Cumar Huruuse oo loo magacaabey wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

Ururka Mideeye wuxuu Alle uga baryeyaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus iyo xilka ummadda Soomaliyeed u qabtay

Allaha ku asturo Wasiirka Cusub xilka iyo masuliyadda wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga muddane, Abshir Cumar Huruyse mar labaad waxaan ku leenahay Hambalyo.

Urur siyaasadeedka Mideeye

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *