Urur Siyaasadeedka Sinaan iyo Cadaalad ayaa deeq raashin gaarsiiyay 730 Qoys oo ka mid ah dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Daadadkii Qardho.

Published: May 1, 2020

Urur siyaasadeedka cadaalad iyo Sinaan. oo ka mid ah ururada sida kumeel-gaarka loo diiwaangeliyay, xubina uu ka yahay Eng Maxmuud Khaliif Xasan Diric Jabiye oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland, samafale marar badan caawiyay dadka masaakiinta ah sidoo kalena ka qayb-qaata taakulada xiliyadda adag, ayaa maanta Qardho soo gaarsiiyay deeq balaaran oo loogu talagalay in lagu caawiyo 730 q0ys oo ka mid ah dadkii ay saameeyeen dadaakii magaalada Qardho waxyeelada gaarsiiyay.

Wareejinta Deeqdaan oo ka dhacday Xafiiska Urur Siyaasadeedka ayaa waxaa kasoo qayb-galay Madxada iyo Xubnaha Urur-siyaasadeedka Cadalaada Iyo Sinaan, Gudigga Gurmadka Qardho. Deeqdaan oo ka kooban BARIIS, BUR, SONKOR, SALIID, CAANO, TIMIR IYO BAASTO ayaa la gaarsiiyay dadka aadka ugu nugul ee hantidoodii ku waayay dhibaatadii ka dhalatay roobabkii ka da’ay magaalada Qardho.

Gudoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Urur-siyaasadeedka sinaan iyo cadaalad Sadaam Maxamuud Cabadi iyo Cabdilaahi Cali Qood oo ka mid xubanaha ayaa ugu horayn goobta ka hadlay. waxayna sheegeen in deeqdaan kaga jawaabayaan baahidad deg-dega ah ee ka taagan Magaalada Qardho, Sidoo kale waxay sheegeen in muhiim tahay sidii loo heli lahaa Qorshe ka dhan ah biyaha sanadkasta kusoo rogmanaya Magaalada Qardho.

Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan iyo Wasiirka Deegaanka Ismaaciil Gamadiid oo deeqdaan la wareegay ayaa dhankooda u maha-celiayay urur siyasadeedka Cadaaladaiyo Sinaan iyo Samafale Maxamuud Khaliif Jabiye. waxay ku bogaadiyeen jawaabta degdega ah ee ay bixiyeen. iyo sida ay ula damqadeen dadkooda.

Qaar ka mid ah dadkii deeqdaan lasoo gaarsiiyaya ayaa dhankooda ka Mahd-celiyay walaalihii deeqdaan Soo gaarsiiya, waxay sheegeen in ay baahi-badan ka dabooli doonto. sidoo Kale waxay codsadeen in loo baahan-yahay in Baahiyaha kale ee ay ugu horeeyaan maacuunka cunadda, bustayaasha, gogosha ay codsanayaan in lasoo gaarsiiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *