Urur siyaasadeedyada Puntland oo shuruudo adag ku xiray doorashada qof iyo cod

Published: November 30, 2022
Shares34

Ururrada Siyaasadda Puntland oo soo gabagabeeyay kulamo ay uga arrinsanayeen Doorashada qof iyo cod ee Puntland ayaa taageeray Doorashadaas balse waxa ay hordhigeen shuruudo ka horreeya in la hor fuliyo.

Warsaxafadeed kasoo baxay Ururrada Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay in shuruudahooda ay aasaas u yihiin Doorasho xor & xalaal ah oo ka dhacda Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas waa sida ay u arkaan.

Shuruudaha oo ka koobnaa ilaa iyo 13 ayaa kala ah:

  1. In la dhammeystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah.
  2. In la baddelo nidaamka Liistada xiran ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka lagana dhigo mid furan.
  3. In la dhimo tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka.
  4. In Ururrada Siyaasadda Fursad loo siiyo in ay u diyaargaroobaan diiwaangelinta codbixiyaasha.
  5. In diiwaangelinta si siman halmar uga wada dhacda Deegaannada Puntland.
  6. In Deegaannada Doorashada aysan ka dhici Karin heshiis siyaasadeed laga gaaro kahor inta aysan Diiwaangelintu billaaban.
  7. In Xuduudaha Degmooyinka ee lasoo bandhigay la waafajiyo Dastuurka & Xeerka Degmooyinka iyo Gobollada qodobkiisa 21aad, faqradiisa 2aad.
  8. In nidaamka ku xadidaya saddex Xisbi Dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la baddelo.
  9. In uu Urur kasta oo hela aqbaliyadda Xildhibaannada Golaha Deegaan-Doorasho ama Isbaheysi Ururro dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka Degmada Faragelin la’aan.
  10. In Xubin kasta oo kusoo baxda magaca Urur-siyaasadeed ee baalmarta xeerka Ururkaas u degsan ay dhumineyso xaasadda Xildhibaannimo ururkana soo baddelanaya Booskiisa.
  11. In Shaqaalaha loo qaadanayo Doorashada loo maro nidaam daah-furan oo ururrada siyaasadda la socdaan.
  12. In Ururrada Siyaasadda ay qayb ka helaan dakhliga Dowladda & taageerada Deeq-bixiyaasha maadaama nidaamka dimuqraadiyadu yahay Billaw.
  13. In la diyaariyo Guddi madax-bannaan oo kahortaga musuqa Doorashada.

Horseed Media