Ururada bulshada rayidka ah ee Somaaliyeed oo Kambala shir uga furmay [Sawiro]

Published: February 8, 2012
by: Abdirahman. A

Waxaa ka furmay magaalada KAMPALA shirwayne ay iskugu yimaadeen Xubno ka socoda Ururada Bulshada riyadka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qayb galay in kabadan 60 xubnood oo ka kala socoda Gobolada Soomaaliya Waxaa ka yimid Koonfurta Soomaliya Xubnaha Dalalada Ururada Bulshada Rayikda ah ee SOCENSA , Dhinaca Puntland waxaa ka yimid Dalada Ururada Bulshada Rayidka ee PUNSAA Dhinaca Soomaliland waxaa ka yimid Dalada Ururada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF.

Wafdiga ka socoda Puntland kana kooban; Ganacsato, Nabdoono, Ururuada samafalka,haweenka culumo iyo Saxaafad oo kimdaysan Dalada Ururada Bulshada Rayidka ee PUNSAA waxaana hor kacaya wafdiga Puntland C/fitaax Maxamed Sugulle oo ah gudoomiye ku xigeenka Dalada Ururada Bulshada Rayidka ee PUNSAA

Dhinaca wafdiga Koonfurta Soomaliya oo ku midaysan Dalalada Ururada Bulshada Rayikda ah ee SOCENSA waxaana hugaaminayay C/RAXMAAN MACALIN AXMED (Ablaal)

Xubnaha ka socoda bulshada rayidka ah waxay kala yihiin Ganacsato, ururada Samafalka, haweenka, nabadoonada iyo culumada iyo Saxaafada)

Ujeedada Shirkaan oo ah in la qiimeeyo waxqabadyada Daladaha Ururada Bulshada raiyadka lana wadaago waxii caqabad iyo fursado jira, iyo in ay kala warqaataan xubnaha bulshada rayidka ah.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday sidii loo midayn lahaa aragtida Bushada rayikda ayna cod ugu yeelan lahaayeen nabdaynta Soomaliya iyo wadiiqada Samata bixinta (road mapka)

Waxaa jira kulamo qorshaysan oo ay Bulshada rayidka Soomaliyeed la yeelanayso masuuliyiin ka socda EU-DA IYO FCO (British foreign & commonwealth office ) waxayna kawada hadalyaan shirka London uga furmaya Soomaliyada iyo aragtida bulshada rayidka ee ku aadan shirkaas.

Shirkaan oo socona mudo afar casho oo ah muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada raiyadka soomaliyeed, korna u qaadaya codkooda iyo aratidooda.

Horseed Media